|
Baladxaawo,(insidesomalia.org)-Dowlada Kenya ayaa xirtay isla markaana Ciidamo fara badan ku soo daadisay Xuduuda ay Kenya la wadaagto Gobolka Gedo ee Dalka Soomaaliya.
Wararka laga helay Magaalada Baladxaawo ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in si weeyn loo adkeeyay, isla markaana la xiray Xadka ay Kenya la wadaagto Dalka Soomaaliya gaar ahaan Dhanka Gobolka Gedo, halkasi oo la soo dhigay Ciidamo aad u fara badan oo bilaabay Baritaano ay ku sameeynayaan Dadka Xadka ka Talaabaya.
Boqaalaal Ciidamada Dadka Kenya katirsan oo ah kuwa ilaaliya Xadka ayaa la soo dhoobay Xadka u dhexeeya Magaalooyinka Baladxaawo iyo Mandheera, kuwaasi oo su’aalo weeydiinaya dadka maalin kasta u talaabaya gudaha Dalka Kenya.
Caasho Sowd Cumar oo ka mid ah Ururada Bulshada Rayidka ah ee ka dhisan Baladxaawo ayaa sheegtay in Cidamada Kenya ee ku sugan Xadka ay dadka weeydiinayaan halka ay ka yimaadeen iyo waxa ay Kenya ka doonayaan iyo weliba in ay soo arkeen Xubno ka mid ah Ururka Al shabaab.
Adkeeynta Xadka ay Somalia la wadaagato Dalka Kenya ayaa ka danbeeyay, kadib markii ay falaal aman dari ah ku soo korartey Xadka somaliya iyo Kenya qiibiya, isla markaana ay kooxo Maleeshiyaad ah ay xiliga ahbeenkii ay rasaas Tareeso ah u ridayaan dhanka Dalka Kenya iyo weliba wixii ka danbeeyay weerarkii ay Mareeykanka ku qadeen Magaalada Dhuusa Mareeb ee Gobolka Galgaduud.
sidoo kale hanjabaadii ka soo yeertay Ururka Al shabaab ee ku aadaneyd in ay ugaarsanayaan Muwaadiniinta Mareeykanka meel waliba oo ay joogaan.
|